Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya haddana ah siyaasi Mucaarid ah Faarax Macallin ayaa sheegay in Mareykanka uu si qarsoodi ah u gurto kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Mr Macallin ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in Habeen kasta marka la gaaro 3:00AM ma sagaal saac habeennimo ay Diyaarado waaweyn oo uu Mareykanka leeyahay ka baxaan Muqdisho,kuwaas oo aada Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Waxaa uu intaas ku daray in Gawaari waaweyn ay Buurhakaba ka qaadaan Macdanta iyaga oo ku qariya Kunteennarro waaweyn,kuwaas oo geeya Balli-doogle,halkaas oo ay diyaaradaha Xamuulka ahna ka qaadana kaddibna laga dhoofiyo Muqdisho.
Waxaa kale oo uu Faarax Macallin intaas ku daray in Kunteennarrada qaar ee laga qaado Buurhakaba oo gaaraya 40Fiit la geeyo Magaalada Baraawe ee isla Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo ay ku taallo dekad macmal ah.
Faarax ayaa ah siyaasi aad u dhaliila waddamada Reer Galbeedka ah, gaar ahaan kuwa ka howlgala Soomaaliya iyo inta badan Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ku jira howlgalka AMISOM oo ay ka mid tahay Dowladda Kenya.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…