Maamulka Jubaland ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in la xalliyo tabashooyinka ay qabaan dadka Gobolka Gedo ee diiddan Maamulka uu Madaxweyne ku xigeenka ka yahay Maxamiid Sayid Aadan.
Maxamuud ayaa Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Gedo kula kulmay Magaalada Garbahaarey,waxaana uu xusay in kulankaasi ahaa is wareysi iyo in uu dhageysto cabashada dadka Gobolka Gedo.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa sheegay in Degmooyinka Gobolka Gedo sida Buurdhuubo, Garbahaarreey, BeledXaawo,Ceel Cadde, Tuulo Barwaaqo iyo Baardheerey ay kala xiranyihiin oo aan la isaga kala gudbi karin.
Maamulka Jubaland ayaa ballan qaaday in uu isu furayo Waddooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab, dadka Gobolka Gedona laga doonayo in ay maamulka la shaqeeyaan.
Jubaland ayaa diyaarisay Ciidamo Al-shababa kala wareega Magaalooyin ku yaalla Gobollada Jubbooyinka sida Bu’aale oo ka tirsan Jubada dhexe iyo Badhaadhe oo ka tirsan Jubada hoose.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…