Jawaari oo maanta xaadiray kalfdhiga Golaha Shacabka

Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lix bilood kaddib maanta tagay xarunta Golaha shacabka.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulamada Baarlamaanka ka maqnaa tan iyo Bishii April ee sanadkan,markaas oo uu iska casilay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka kaddib mooshin ay XIldhibaannada ka keeneen.

Guddoomiye Jawaari ayaa inta badan ku sugnaa Dalka Kenya,halkaas oo uu dhowr jeer ka hadlay.

Kulanka 21aad ee Kalfdhiga 4aad ee maanta ayuu ka mid noqday Xildhibaannada ka qeybgalay,waxaana ay ku soo aadeysaa iyada oo uu socda wax ka beddelka xeer hoosaadka Golaha shacabka.

Sidoo kale Guddoonka Golaha shacabka ayaa dhawaan u digay XIldhibaannada ku maqan fasax la’aanta ee ka tirsan Golaha shacabka.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

12 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago