Ergeyga Xogahayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa maanta ka degay Magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland.

Mr Haysom ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas,waxaana ay ka wada hadleen khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Qoraal lagu daabacy qeybta Baraha Bulshada ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa mad madowga siyaasadeed ee dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen dagaalka Tukarraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland oo la isku soo qaaday sidii nabad waarta loogu heli lahaa Gobolka Sool.

Haysom ayaa todobaadkii la soo dhaafay booqanayay xarumaha dowlad Goboleedyada,waxaana uu la kulmay dhamaan madaxda dowlad Goboleedyada.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

11 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

16 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

18 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

18 hours ago