Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

HORDHACA: Arsenal Vs Liverpool+Safafka Macquulka ah.

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa cwa wada ciyaaraya kulanka ugu xiisaha badan horyaalka Premier League-ga.

Arsenal ayaa isha ku haysa in ay sii dheeraysato kulamadeeda guuldaro la,aanta kadib markii ayna wax guuldaro ah la kulmin 8 kulan oo xiriir ah horyaalka premier league.

Dhanka kale Koooxda Liverpool oo aan wax guuldaro ah la kulmin ayaa doonaysa in ay sii wadato rikoorkooda fiican siina haysato hogaanka horyaalka premier League.

Kulanka: Arsenal Vs Liverpool.

Tartanka: Premier League-ga

Wakhtiga:8:30 Fiidnimo.

Garoonka: Emirates Stadium.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Arsenal ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ee Arsenal kadib 7 jeer oo ay isku dayday 3 guuldaro iyo 3 bar-baro ayay kala kulantay waana guul la,aantoodii ugu dheeraa ee ay kala kulanto Reds intii u dhexaysay 1994 ilaa 2000 markaas oo ayna 12 kulan wax guul ah ka gaarin.

Shantii kulan ee ugu dambeeyay premier League ee dhex mara kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa laga dhaliyay 27 gool iyada oo ay cel-celis ahaan dhaliyeen 5.4% gool kulan kasta.

Roberto Firmino ayaa gool ka dhaliyay caawiyena ku noqday 3-dii kulan ee uu ka hor tagay Arsenal waxana uu haatan noqon karaa xiddigii ugu horeeyay ee 4 kulan oo xiriir ah gool ku lug lahaada koox kale tartanka premier League xiddigaha Steven Gerrard & Theo Walcott ayaa horay u sameeyay rikoorkaas.

Jurgen Klopp ayaan guuldaro kala kulmin shantii kulan ee uu la ciyaaray Arsenal kaliya Jose Mourinho (12), Gerry Francis (8) iyo Alex Ferguson (6) ayaan guuldaro kala kulmin kulamadoodii ugu horeeyay.

Shaxda Suurtagalka ah:

Arsenal: Leno, Bellerin, Mustafi, Holding, Lichtsteiner, Xhaka, Torreira, Mkhitaryan, Ozil, Lacazette, Aubameyang.

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, van Dijk, Gomez, Robertson, Milner, Wijnaldum, Shaqiri, Mane, Salah, Firmino.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago