Itoobiya ayaa wax ka baddel ku samaysay qaar kamid ah qodobada Dastuurkeeda iyada oo meesha ka saartay qodobkii 39aad ee dhigayay in ay go’i karaan Ismaamullada Dalkaas.
Qodobkaan oo dood iyo falcelin dhaliyay ayaa ugu dambeyn la meelmariyay, waxaana marka uu dhaqangal noqdo meesha ka baxaya in Ismaamulladu ay ka go’aan Itoobiya.
Sidoo kale Afafka Amxaariga, Oromada, Soomaaliga, Tigreega iyo Canfarta waxaa si rasmi ah loogu aqoonsaday in ay yihiin Luuqadaha Shaqada Dalkaas, waxaana meesha ka baxaya im Dadka shaqeynaya lagu cadaadiyo luuqado gaar ah.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa xoogga saaray wax ka baddelka Dastuurka Dalkiisa, waxa uu awooddiisa isugu geeyay qodobada naasnuujiyana maamullada si awooddooda loo yareeyo uguna qasbanaadaan la shaqaynta Dowladda Dhexe.
Itoobiya waxaa sannadkii 2020 ka dhacay dagaal dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Ismaamulka Tigray, waxa uu isku dhacaas uu salkiisu ahaa muran ka dhashay dib u dhigista Doorashada maadaama waqtigaas uu jiray xannuunkii Covid-19, murankaas ayaa isu baddelay dagaal toos ah oo galaaftay Nolosha Dad badan, burbur xooggaan iyo barakac xad dhaafah.
Mustaqbal
Mustaqbal
Dowladda Maraykanka ayaa xayiraadda Fiisaha ka qaadday Baasaboorka Soomaaliya kaddib markii go’aankaas uu ku dhawaaqday…
Dagaalka Ganacsi ee kasoo dhex baxay Maraykanka iyo Canada ayaa sii xooggaystay kaddib markii Washington…
Sanduuqa Taakulada ee Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa warbixin uu kasoo saaray xaaladda Carruurta Soomaaliyeed…
Mid kamid ah Maraakiibta Iiraan ka soo qaada Shidaalka oo Mareykanka ku raadjoogay ayaa la…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee…
Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Netherlands u gacan gelisay nin Soomaali heysta dhalashada Dutch-ka, kaas…