GUDAHA/wararka

Xeebaha Mauritania oo lagu badbaadiyay Tahriibayaal u dhashay Senegal, Gambia & Mali

Ciidanka ilaalada Xeebaha Mauritania ayaa sheegay in uu badbaadiyay 315 qof oo Tahriibayaal ah oo la socday doon ka samaysan Al-Waax kuwaas oo u kala dhashay Dalalka Senegal, Gambia & Mali waxaana ujeedkoodu ahaa Jasiiradda Canary e Dalka Spain.

Dadkaan oo isugu jiray Rag, Dumar, Carruur iyo Dhallinyaro ayaa la kulmay xaalad adag oo dhinaca Badweynta Atlantic, ujeedkoodu waa in ay gaaraan Jasiiradda katirsan Dhulka Spain oo damacoodu ahaa in ay iska dhiibaan halka qaar kalena ay doonayeen in ay kasii gudbaan.

War kasoo baxay Ciidanka Ilaalada Mauritania ayaa lagu kala faahfaahiyay jinsiyadda Dalkaas: 191 qof waxa ay u dhasheen Senegal, waxaa ku jiray 3 Haween & 29 Carruur ah.

123 qof waxa ay kasoo jeedaan Gambia, waxaa ku jiray 40 Dumar ah & 11 Carruur.

1 waxa uu u dhashay Dalka Mali, Xukuumadda Mauritania ma sheegin qorshaha dadkaas loo dejiyay haddii dib u dejin loo samaynayo iyo haddii dib loogu celin rabo Dalalka ay kasoo jeedaan sida hadalka loo dhigay.

Yurub iyo Afrika waxa ay xal u raadinayaan xakamaynta qulqulka Tahriibayaasha dhibaatooyinka kala duwan kala kulma Badaha Caalamiga ah, inkasta oo aanay weli si dhab ah u helin xalkaas ay baadigoobayaan sida xogaha la helayo ay sheegayaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxkamadda sare ee Dalka oo baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…

1 hour ago

Aadan Madoobe oo amray dagaal looga hortagayo AS & Malaashiyaadka Laftagareen

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…

2 hours ago

RW Xamsa “Waxaan diidnay in aan Dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…

3 hours ago

Kenya oo hoos u dhigaysa qiimaha Gallayda & Bacriminta Beeraha

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taagaarayso beeralayda gaar ahaan kuwa soosaara…

4 hours ago

Ugu yaraan 7 ruux oo ku geeriyooday Duqeymo ka dhacay gobolka Nugaal

Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn…

18 hours ago

Dowladda UK oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso ka hortaga weerarada AS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada…

22 hours ago