Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in dib loo fur 108 waddo oo horay u xirnaa gudaha magaalada Muqdisho, taas oo la rumaysan yahay in ay kaalin ka qaadan doonta dib isu socodka caasimadda, iyo yareynta saxmadda ka jirta magaalada.
Sida qorshuhu uu yahay labada todobaad ee soo socda ayaa la filayaa in la billaabo dib u furista waddooyinkaan xirnaa muddo ka badan 10 sanno, iyada oo loo xiray sababa amni sida ay sheegeen laamaha amniga.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda todobaadlaha ayaa warbixin looga dhageystay guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka caasimadda, taas oo ku saabsan caqabadaha keenay saxmadda iyo sidii xal waara looga heli lahaa culeyska saxmadda iyo saameynta ay ku yeelatay isku socodka waddooyinka caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay sanadkaan guddi soo baara jaamka ka jira magaalada Muqdisho oo ay cabasho ka keeneen shacabka magaalada Muqdisho.
Guddigaan ayaa xusay in ka badan 60% waddooyinka magaalada Muqdisho ay xiran yihiin, taas oo ay sheegeen in ay keentay saxmadda caasimadda ka jirtay.
Dib u furitaanka waddooyinkaan ayaa la rumaysan yahay in wanaajin doonta helitaanka adeegyada degdeg ee bulshada u baahan tahay, waxaana lagu wadaa in ay ka shaqeeyaan maamulka gobolka Banaadir iyo Xukuumadda.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…