GUDAHA/wararka

Cumar Cabdirashiid “Puntland si degdeg ah ha u sii deyso Markabka.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maanta Muqdisho kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas ayaa kala hadlay Markabka MV Sea World oo siday qalab ciidan, kaas oo dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada Puntland.

Qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Twitterka ee hadda loo yaqan X ayaa Sharmaake ku yiri, “Kulan aan la yeeshay safiirka Turkiga, wuxuu ii sheegay in markabka MV Sea World uu siday qalab ciidan oo loogu talagalay TURKISOM. Safiirku wuxuu sidoo kale sheegay inuu la xiriiray Puntland balse uusan wax jawaab ah ka helin.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, oo maamulka Puntland ugu baaqay in ay si degdeg ah ku sii dayso Markabkaan ayaa yiri, “Marka la eego arrintan, Puntland waxaa qabanaya waajibaad sharci ah oo ku qasbaya inay si degdeg ah u sii deyso markabka.”

July 18, 2025 ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa ka afduubtay Markab siday saanad ciidan oo laga lahaa Saldhigga Turkiga ee Muqdisho, kaas oo ku soo wajahnaa caasimadda, lana qorsheenayay in uu soo gaaro 21 bishaan.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhacdadaan ayaa ku tilmaamtay burcad badeednimo, balse eedaas waxaa iska fogeeyay maamulka Puntland oo sheegay in Markabkaan ay qabteen Xeebaha Bareedo.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

1 hour ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

1 hour ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

13 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

15 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

16 hours ago