Warbixin ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dakhliga gudaha ee dalka uu gaaray $369.4 milyan sanadka 2024, taasoo muujinaysa koror 12% ah marka loo eego sanadkii ka horeeyay ee 2023-ka.
Kororkan ayaa inta badan waxaa uu ka yimid dhinaca canshuuraha gaar ahaan canshuuraha dakhliga iyo canshuuraha iibka.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in canshuurta dakhliga ay korortay sanadkii 2024-ka, iyadoo gaartay 36.2 milyan marka la barbardhigo sanadkii ka horeeyay ee 2023-ka oo la ururiyey 24.4 milyan.
Kororka canshuurta dakhliga ayaa yimid kadib markii la casriyeeyay habka canshuur ururinta ee dakhliga kirada oo loo beddelay mid dijitaalka ah iyo sidoo kale ballaarinta saldhigga canshuuraha dakhliga taasoo keentay diiwaangelinta canshuur-bixiyayaal cusub.
Dakhliga canshuuraha iibka ayaa sidoo kale sameeyay koror gaaraya 13.3%, isagoo sanadkii 2023-kii ahaa 41.3 milyan halka sanadkii 2024-ka uu noqday 46.8 milyan, iyadoo la horumariyay habka uruurinta dakhliga canshuuraha iibka oo loo beddelay mid dijitaalka ah.
Sidoo kale warbixinta ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu kordhay dakhliga waxyaabaha waddanka loo soo dhoofiyay iyo kuwa laga dhoofiyay sanadkii 2024-ka.
Sanadii 2023-ka waxyaabaha waddanka loo soo dhoofiyo ayaa gaarayay 8.2 bilyan halka sanadka 2024-ka uu gaaray 9.2 bilyan, iyadoo waxyaabaha ugu badan ee dalka loo soo dhoofiyay 2024-ka ay ahaayeen raashinka, dawooyinka, qalabka dhismaha, dharka, shidaalka iyo gaaska, gaadiidka iyo agabkooda, agabka quruxda iyo elektarooniga.
Dhinaca kale, sanadkii 2024, Soomaaliya ayaa dhoofisay badeecooyin gaaraya ku dhowaad 1.6 bilyan, marka la barbar dhigo 2023 oo ay Soomaaliya dhoofisay badeeco qiimaheedu gaarayo 1 bilyan, waxyaabaha ugu badan ee dibadda loo dhoofiyay ayaa ah xoolaha nool, dalagyada, saliidaha dhirta laga sameeyo iyo kalluunka.
Warbixinta waxqabadka sanadlaha ah ee ay Wasaaradda Maaliyaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in ay jireen caqabado dhanka ganacsiga ah oo ka dhashay xiisadaha ka taagan Badda Cas iyo colaadaha Bariga Dhexe, taasoo sababtay dib-u-dhac ku yimid maraakiibta, sicir-barar kooban, iyo koror ku yimid kharashaadka caymiska, oo si gaar ah u saameeyay gobollada waqooyi ee Soomaaliya.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in kororkan dhaqaale ee gaaray 12% uu yahay midkii ugu sareeyay taariikhda tan iyo burburkii kadib.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…