GUDAHA/wararka

In ka badan 100 qof oo lagu waayay Daadad ku rogmaday Afgaanistaan

Daadad ku rogmaday Bariga Dalka Afgaanistaan ayaa sababay dhimashada in ka badan 20 ruux, waxaa ku dhaawacmay 80 qof halka ilaa haatan aan nolol ama geeri lagu hayn ku dhawaad 100 qof oo uu ku jiro Duqa Magaalada Parun ee Gobolka Nuristan.

Sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan kooxaha gurmadka, Duqa la waayay iyo shaqaale la socday ayaa ku howlanaa samatabixinta dadka dhibaataysan ee daadadku ku rogmadaan kuwaas oo deggen dhul inta badan biyuhu ka gudbo.

Waxaa burburay Guryo, Dukaamo, Hoteello iyo xarumo Dowladeed oo dadka looga adeegayay, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu marweliba ka badan karo tirada kor lagu sheegay sida xogaha la helayo ay sheegayaan.

Kooxo is xilqaamay oo aan haysan qalab ku filan ayaa ka howlgallaya goobaha ay isugu tagaan biyaha iyo dhulka kale ee reeban kara Dadka si loo raadraaco dadkaas maqan ee ogaanta Bulshadu ay biyaha la tageen.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Sweden oo sheegtay in qeyb ka qaadaneyso Cariyeynta Xabsiyada Soomaaliya

Dowladda Sweden ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay qayb ka qaadato dadaallada…

10 mins ago

Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland

Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…

5 hours ago

Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Ciidanka AUSSOM ay dalka sii joogaan

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…

5 hours ago

Guinea Bissau oo beenisay in ay aqoonsanayso Maamulka Waqooyi Galbeed

Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…

5 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgal ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…

6 hours ago

Ciidamada DFS ma awoodaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalka?

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…

7 hours ago