Dab khasaara maaliyadeed gaystay ayaa saakay waqti ka kacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhinaca Cabdalla Shideeye, waxaa gudbay dukaamo lagu iibiyo qalabka elektarooniga ah iyada oo markii dambe ay goobta tageen gaadiidka dab damiska.
Si dhab ah looma shaacin khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay iyo sababta ka dambaysay dabkaas in uu kaco, waxaana lagu guullaystay in laga soosaaro agabka halkaas ku jira si aanay u saamayn ama u gubin dabkaas.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xiray waddooyinka muhiimka u ah socodka Gaadiidka Gurmadka degdega ah si aanay saxmad uga noqan waddooyinkaas maadaama ay ku howlan yihiin daminta dabkaas iyo kahortagga in uu dhul horleh gaaro.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…