Imaaraatka oo ku faanay in uu door ka qaatay la dagaalanka Argagixisada Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Dr. Anwar bin Mohammed Gargash oo ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta oo ka hadlay kulan looga hadlayay la dagaalanka waxa looga yeero Argagixisada ayaa sheegay in Door wanaagsan ay ka qaateen.

Iyaga oo Kaashanaya Boqortooyada Sacuudiga iyo Masar ayuu Dr.Gargaash sheegay in Dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Pakistan ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen Howlgalkaas.

Waxa uu tilmaamay in aan Saameyn reebin Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay la dagaalaan Isbaheysigooda.

“Kulanka hogaamiyaasha Maanta waa Hogaamiyaasha Berri” ayuu tiri Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka.

“Dhalinyarada waa Mustaqbalka Madaxda Dalalkooda, Mas’uuliyadeena waa in aan sii wadnaa Kaalmada iyo Garab istaagga Gudaha iyo Dibadda” ayuu sii raaciyay.

Waa uu sii hadlay waxa uu yiri “Waxaan awoodda Saarnaa in Hogaanka Dalalka dhibaatooyinka ka jira ay gaaraan awood ay kula dagaalamaan Argagixisada”.

Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Dr.Anwar Bin Mohamed Gargash ayaa talo uu u jeediyay ku sheegay in habka kaliya looga guuleysan karo Argagixisada dibadda ay tahay in marka hore la cadaadiyo oo la baabi’iyo tan Gudaha.

Imaaraatka Carabka ayaa Soomaaliya u tababaray Ciidamo dhowr Dufco ah, waxaana dalka ay ka baxeen Macalimiintii ka socotay iyaga oo qaarkood u wada tababar, kadib Xiriirka Labada Dal oo gaaray Meesha ugu hooseysa, ugu dambeyn waxa ay ka baxeen Dalka.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

4 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

6 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

7 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

7 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

9 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

11 hours ago