Golaha shacabka oo maanta fadhi ka leh Xisaab Xirka Miisaaniyadda Dowladda 2017.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta oo ah Arbaco kuna beegan 10-ka bisha Octoober 2018 kulan yeelin kaga hadlaya Xisaab xirka Miisaaniyadda Dowladda sanadkii 2017-kii.

Sida ku cad Fariin Ballameedka Mudanayaasha kahor 24-ka kulanka ay maalintaas leeyihiin, Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay Ajendaha Maanta.

Guddiga Maaliyadda ayaa qorshuhu yahay in ay Golaha la wadaagaan Xisaab Celinta Miisaanadda Dowladda ay ku shaqeysay sanadkii tagay.

Golaha Shacabka ayaa intaa kadib la filayaa in ay dood ka yeeshaan Xildhibaanada, iyaga oo inta ugu badan la isweydiinayo halka ay ku baxday Lacagta Miisaaniyad ahaan baxday.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulma Maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, halka Khamiista ay fadhi yeeshaan Guddiyada Joogta oo shirarkooda gaarka intooda badan ugu hadla Fadhiyada Guud iyo hagista Habraaca Golaha.

Golaha Shacabka ayaa hadda u muuqda in uu dar-dar gelin Xoogga ku wado ajendayaal Xildibaanada qaar ay sheegeen in dib udhac ku yimid Waqtigii uu jiray Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyihii hore ee Golahaan Xildhibaan Jawaari oo saameyay inta badan Kalfadhigii 3-aad.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

3 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

5 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

5 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

6 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

8 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

10 hours ago