Shilalkaan ka dhacay Magaalada Muqdisho 9-kii bil ee ugu dambeeyay ayaa geystay Dhimasho iyo dhaawac.
General Axmed Xasan Maalin Taliyaha Hogaanka Ciidamada Ilaalada Nabad galyada waddooyinka ayaa sheegay in guud ahaan shilalkii dhacay sanadkaan ay gaarayaan 875-shil, 602-shil kamid ah waxaa galay Mooto Bajaaj.
Waxa uu General Axmed sheegay in shilalkaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan oo shacabka gaaray.
Gaashaanle sare Aways Macalin Yaroow Taliyaha qaybta Ciidamada Nabad Galyada Waddooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kaliya bishii tagtay September ay dhaceen shilal gaaraya 98-shil, 73-kamid ah ay galeen Mooto Bajaaj.
8-qof oo geeriyootay ayay Diiwaan geliyeen Taliska Ilaalada Nabad galyada waddooyinka shilalkii Muqdisho ka dhacay bishii tagtay ee September.
Shilalka Gaadiidka ayaa loo sababeeyaa Wadayaasha oo aan laheyn Khidrad ku filan, sidoo kalena ay u wadaan si xad dhaaf ah, taas oo keenta in ay Xakameyn waayaan, sidaasna uu shilka ku dhaco.
Taliska Ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku Xakameynayan wadayaasha Gaadiidka si loo yareeyo Shilalkaan Khasaaraha Dhimasho iyo kan dhaawac geysta.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…