Madaxweyne Waare “Mowqifkeena waan ka gadi weynay xaq bay u leeyihiin, inaguna nama qasbi karaan”.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Maamulkiisa aan laga saarin xubinnimada Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Waxa uu tilmaamay in uu guul dareystay qorshe ahaa in Madaxda Afarta Madaxweyne Maamul Goboleed ay ugu gadayaan Heshiiskii uu la galay Dowladda Federaalka.

Waare ayaa sheegay in aan jirin Cid ku matasha Shirar ka socda Magaalada Nairobi oo ay Madaxda Maamul Goboleedyada la yeelanayan Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Dastuurka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayuu tilmaamay in uuu ka xusan yahay Shanta Maamul Goboleed ee kala ah:- Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay Golaha Xaq u leeyihiin in ay diidaan ka dhaadhicintooda heshiiskii uu Maamulka Hir-Shabeelle la galay Dowladda Federaalka, sidaas oo kale waxa uu tilmaamay in aan xaq u laheyn in iyanne lagu colaado go’aan ku dhisan Maslaxada Hir-Shabeelle.

Shirarka lagu galayo Magaca Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Waare waxa uu sheegay in ay Xaq u leeyihiin ka qaybgalka oo aan laga hor istaagi karin, maadaama Xubin ay ka yihiin golaha.

Dhanka kale Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxa uu ka hadlay Howlgalo ka socda Deegaanada dhaca Xadka u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sheegay in lagu furayo Waddooyinka Xiran si dib loogu furo Muqdisho illaa Magaalada Baladweyne, waxa uuna rajeeyay in dhowaan howlgalkaas lagoo gaba-gabeeyo.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

1 hour ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

3 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

4 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

4 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

6 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

8 hours ago