ANKARA, Turkey — Saraakiil sare oo katirsan Turkiga ayaa laga soo xigtay in Amarkii lagu dilay Wariye Jamal Khashoggi uu ahaa mid ka yimid Madaxda Sare ee Sacuudiga.
Dadka dilkaas geystay ayaa heystay Amar sare oo dhanka Boqortooyada ah sida Baaris hordhac ah oo laga helay Saraakiisha Ammaanka.
Turkiga ayaa Talaadadii soo bandhigay Muuqaal ay qabteen Kaamirooyinka Qarsoon, oo Caddeynayay Saacadda, Taariikhda iyo Muuqaalka Wariye Jamal oo Qunsuliyadda sii galaya.
Shakiga ayaa keenay in aan la helin Muuqaal ah isaga oo kasoo baxaya Qunsuliyadda, waana tan keentay in Turkiga uu dalbado in uu helo Ogolaanshiyo uu Gudaha ugu galo si ay baaritaano ku sameeyaan.
Wargeyska New York Times ee uu la shaqeynayay Jamal ayaa daabacay Xogta Tuhunkaan ah in la rumeysan yahay in Dilka Suxufi Khashoggi uu ahaa mid ka yimid Madaxda sare ee Boqortooyada.
Xukuumadaha Riyadh iyo Ankara ayaa isku tuur-tuuraya Eedda dilka Wariyaan, waxaana maalinba maalinta ka dambeysay kasoo kordhaya Xogo labada dhinac kasoo baxaya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…