Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukuntay Rag loo heysto in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.

Maxakmadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xukun ku riday Maxamed Cabdi Salaad Nuur  iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed oo loo heysto in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.

Si gaar ah raggaan ayay Maxkamaddu sheegtay in ay ka tirsan yihiin Amniyaadka Al-Shabaab, laguna soo qabtay Howlgalo laga sameeyay Degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta Nabadda.

Eedeysanaha koowaad waxa ay Maxkamadda sheegtay in uu ku biiray Al-Shabaab 2015, isaga oo kaga biiray Deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, qaatayne tababarka isticmaalka hubka fudud iyo tuurista Bam gacmedka loo yaqan (F1).

Maxamed Cabdi Salaad oo ah Eedeysanaha Koowaad waxa ay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida sheegtay in u ku lug lahaa Howlgalo Fashilmay, kadib loo soo badalay howsha Basaasnimada oo uu u xilsaarnaa Xeebta Liido Degmada CabdiCasiis sida Maxkamaddu sheegtay.

Maxkamadda intaa ku dartay in uu hordhac sahmin u ahaa weeraro Ismiidaan ah oo ay kahor tageen Ciidamada in lagu galo Madaxtooyada Soomaaliya sida lagu yiri warka Maxkamadda.

Eedeesanaha koowaad ayaa qiray in uu aqoon u leeyahay eedeeysanaha labaad oo ah Gacal Maxamed Cali Maxmed oo ay kawada tirsanaayeen Al-Shabaab sida Maxkamaddu sheegtay.

Maxamed Cabdi Salaad ayay Ciidamada Amniga xireen 13-kii Bishii Febraayo sanadkaan 2018-ka.

Maxamed Cabdi Salaad Nuur Eedeysanaha koowaad

Eedeysanaya Labaad ayaa ah Gacal Maxamed Cali Maxamed waxaa loo jeediyay in Magaalada Muqdisho uu kusoo dhoweeyay Eedeysanaha Koowaad, Hal gurine ay wada Degnaayeen.

Gacal ayaa gacanta  ciidamada amniga galay 18-kii Bishii April ee sanadkaan 2018, waxaana labooda loo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta loo wareejiyay 2-di bishii August ee sanadkaan.

Gacal Maxamed Cali Maxamed Eedeysanaha Labaad

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa labadaan Eedeysane ku kala xukuntay Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah, halka eedeysana Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan ah lagu riday sida uu sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gudoomiye Shuute ayaa sheegay in ay Rafcaan ka qaadan karaan Xukunka ay ku ridday Maxkaamdda Ciidamada qalabka sida raggaan loo heysto in ay katirsan yihiin Al-Shabaab.

Labada Eedeysane

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

2 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

2 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

2 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

4 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

6 hours ago

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

22 hours ago