Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

HORDHACA: Man City Vs Huddersfield + Safafka Macquulka ah.

Kooxda Man City ayaa kulankeeda labaad ee horyaalka Ingiriiska waxa ay ku marti gilinayaan kooxda Huddersfield Town xilli kulankoodii furitaanka ay ka badiyeen kooxda Arsenal oo ay laba gool uga talaabnsadeen.

City waxa ay kulankaan galeysaa iyadoo uu ka maqan yahay kubad sameeye Kevin De Bruyne kaasi oo sedex bil garoomada aan cagta soo saari doonin , waxa uuna arabacadii ku dhaawacmay tababarka kooxda xilligaas oo laga haleelay jilibka

David Silva ayaa laga yaabaa in uu kulankaan diyaar u yahay ka dib markii todobaadkaan uu tababarka la sameeyay kooxda balse waxaa dhaawac jilibka ah la maqnaanaya Danilo .

 Xaqooqooyinka Kulanka.

 Huddersfield ayaa ah kooxda kaliya ee horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkii hore Man City ka hor istaagtay in ay shabaqooda soo taabtaan iyadoo la joogo qalcadda Etihad waxa ayna bishii May la galeen bar bar dhac bilaa goolal ah

City waa ay ku fashilmeen in shabaqa Terriers ay soo taabtaan afartii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay garoonkooda ku marti giliyeen , balse horay uma dhicin in shan kullan isku xigta ay booqan waayaan shabaqa Huddersfield iyadoo la joogo garoonka City

Sergio Aguero waxa uu dhaliyay 11 gool kuwaasi oo yimid 70 dii kullan ee ugu dambeeyay horyaalka ee uu City kula soo muuqday qalcadda Etihad Stadium.

Haddii David Silva uu safto kulankaan waxa ay u noqoneysaa kulankiisii 250-aad ee uu City la soo muuqdo , waxa uuna mudadaas ku dhaliyay 48 gool halka 75 kalana uu ka shaqeeyay.

Safafka Suurtagalka ah.

Man City: Ederson; Walker, Stones, Laporte, Mendy; Fernandinho, Gundogan; Sterling, B.Silva, Mahrez; Aguero.

Huddersfield: Hamer; Hadergjonaj, Schindler, Kongolo, Lowe; Mooy, Hogg, Billing; Pritchard, Mounie, Van La Parra.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

3 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

4 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

5 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

5 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

23 hours ago