Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

HORDHACA: Liverpool Vs Chelsea+Safafka Macquulka ah.

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa isku wajihidoono kulan ka tirsan wareega 3-aad ee tartanka Caraboa cup-ka kana dhicidoono garoonka Anfield.

Reds iyo Blues ayaa kulanka soo galay iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican oo ay ku bilowdeen tartamada kala duwan ee xilli ciyaareedkan iyada oo kooxda chelsea bar-baro gashay kulankii ugu dambeeyay.

Blues ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada saxda ah halka ay Reds doonayso in ay sii wadato rikoorkeeda cajiibka ah ee ay ku bilaabatay tartamada oo dhan.

Kulanka: Liverpool Vs Chelsea

Tartanka: Caraboa Cup-ka

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah 14kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen Chelsea tartamada oo dhan, waxaana ay Labada kulanba ku badiyeen Stamford Bridge.

Kulankani waa kulankii 57aad ee u dhaxeeya Liverpool iyo Chelsea waana tartanka ugu badan  ee ay wada ciyaaraan laba kooxood kubada Cagta England oo dhan.

Kulankan ayaa ah kii 8aad ee League Cup ee u dhexeeya Liverpool iyo Chelsea iyo midkii ugu horeysay wareega seddexaad ee tartanka tan iyo bishii November 2000, markaas oo Reds ay 2-1 ku badisay kulan ka dhacay Anfield iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Danny Murphy iyo Robbie Fowler.

Liverpool ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee League Cup ah iyagoo aan dhalin wax gool ah Waana Rikoorkoodii ugu xumaa Abid ee tartanka.

Shaxda Macquulka ah.

 Liverpool: Mignolet, Clyne, Matip, Lovren, Moreno, Henderson, Fabinho, Keita, Shaqiri, Markovic, Sturridge.

 Chelsea: Caballero, Moses, Cahill, Christensen, Zappacosta, Ampadu, Drinkwater, Fabregas, Barkley, Hudson-Odoi, Morata.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

14 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

15 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

15 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

17 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

18 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

19 hours ago