Ciidamada amaanka Gobolka Hiiraan ayaa saaka howlgal ka sameeyay duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Carab Yuusuf Nuur oo ka mid ah Ciidamada xasilinta ee Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay saaka bur buriyeen ilaa saddex isbaaro oo kala yaallay Degaannada kala ah Burjada Ciinta,Galbarwaaqo iyo Fiilo Guduud.
Carab,waxaa uu sheegay in ay kooxaha Isbaaraleyda ah ka furteen 11 Gaadiidka Xamuulka ah oo ay heysteen.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada amaanka Beledweyne ay ka hortagayaan kuwa isbaarada dhigta islamarkaana ay sharciga ku wareejinayaan dadka ay qabtaan.
Carab,ayaa waxaa uu dadka Magaalada Beledweyne iyo duleedkeeda deggan ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada howlgalka saaka billaabay ay sii wadayaan ilaa Gobolka Hiiraan laga waayo isbaaro oo dhan sida uu hadalka u dhigay.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…