Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa sheegay in Berri uu dib ugu soo laabanayo Magaalada Muqdisho sababo la xiriira Khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda.
Waxa uu sheegay in Golaha Shacabka kulan deg deg ah ay yeelan doonaan si ay u qabsadaan shaqooyinkooda.
Xeer hoosaadka u yaalla ayuu tilmaamay in ay ku dhaqmi doonaan, guddoonka baaris ay sameeyeenna laga wadaagi doono sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in wax waliba oo sharciga ka hor imaanaya aan qaadan doonin, dastuurka dalkane uu dhigayo.
Mar la weydiiyay sharci ahaan sida looga kala diri karo Guddiga Maaliyadda, waxa uu tibaaxay in ciddii dooratay ay kala diri karto.
Khilaafka u dhaxeeya Gudoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 1-aad ee Golaha Shacab oo dhinac ah iyo Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.
Fadhiyadii ugu dambeeyay ee Isniinta iyo Arbacada oo kamid ahaa Saddexda Maalin ee Tobaadka ay ka kulmaan Golaha Shacabka ayaa u baaqday Murankaan.
Dhanka kale Gudoomiye Mursal ayaa ka hadlay VOA ayaa dhanka kale sheegay in aan jiri karin shuruud Mukhtaar Roobow ka reebi karto ka qaybgalka Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.
Sababta waxa uu ku sheegay in uu ku sugnaa Xarunta Nabad sugidda kahor inta aan Magaalada Baydhabo tagin oo uusan isku taagin Xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.
Shuruudihii guddigane uu buuxiyay isaga oo is diiwaan geliyay, sidaa awgeed hadii Dowladda isku daydo in ay ka reebta sharci darro ay noqoneyso sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…