Gudoomiyaha Degmada Marka Xasan Cumar Macalin oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay la wareegeen Deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhowr jiho ayuu sheegay in Ciidamada ay shalay ka weerareen Deegaanka, maantana ay dib u bilaabeen weerarka iyaga oo adeegsanaya jihooyin cusub.
Gudoomiye Xasan ayaa tilmaamay in deegaankaan oo dhaca Xeebta iskuna xirta Muqdisho iyo Marka ayuu tilmaamay in Ciidamada ay doonayaan in ay adeegsadaan wadadaan.
Shalay ayuu sheegay in Ciidamada AMISOM ay la socdeen Ciidamada Dowladda oo ay kala soo weerar tageen dhanka Lambar 60, balse maanta kaliya Ciidanka Dowladda ay howlgalka wadeen.
Muhiimadda Deegaankaan ay u leedahay Maamulka Marka waxa uu Gudoomiyaha Degmadaas ku sheegay in shacabka ay dhib ku qabeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Gaadiidka shacabka ayuu tibaaxay in muddo saacado ah ay ku xannibaan iyaga oo baaraya waxyaabaha ay sidaan Gawaarida.
Ka maamul ahaan waxa uu tilmaamay in aan khasaare ka gaarin Ciidamada Dowladda ee weeraray Deegaanka Jilib marka, dhinaca Al-Shabaab waxa uu sheegay in aan ka war heyn, maadaama dhulka Buuraha ah ay ugu baxeen Jilib Marka.
Illaa iminka ma jiro war kasoo baxay Al-Shabaab oo ay kaga hadlayaan sheegashada Maamulka Marka ee ah in ay la wareegeen Deegaanka Jilib marka, sidoo kale ma dhinac ka madax banaan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…