Dowlada Suudaan ayaa sheegtay in dalkeeda ay dib ugu soo laabanayaan Kumanaan qof oo horey uga barakacay dagaaladii ka dhacay dalkeeda xiliyadii Dagaalka.
Qaar kamida 152,000 oo horey dalka ugu baracay ayaa ka soo laabtay Tuulooyinka ku yaala Waqooyi Galbeed ee Dalka Suudaan,sidaas waxaa sheegey gudoomiyaha gobolka Daarfuur Mohamed Abab Samouh oo u waramayey wakaalada wararka SUNA.
Gudoomiyaha oo hadlaya ayaa sidoo kale sheegey in ay wadaan dalaallo lagu soo celinayo qaxootiga ayna kaashanayaan Hay’ado maxaliya iyo kuwo caalamiya oo howlgala Suudaan.
Tirada guud ee Dalka iminka ku soo labatay Gobolka Daarfuur ayuu ku sheegey inay gaarayaan 327,000,Qof.
Dadkaan intooda badan ayaa ka barakacay dagaalo Culus oo 2003-dii ka dhacey Gobolka Daarfuur,kaas oo u dhexeeyey Xukumada Khartuum iyo Jabhado xiligaas dhaqdhaqaaqyo hubeysan ka waday Gobolka.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegey in rabshadahaas ay ku dhinteen in ka badan 300,000,halka 2.5 Milyanna ay ku barakeceen,balse Dowlada Suudaan warbixintaasi waa iska diiday.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…