Gudoomiye Dabageed oo Xildhibaanada Hir-Shabeelle ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin Maamulka Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka qaybgalay soo dhoweynta Gudoomiye ku xigeenka labadaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo Xildhibaanno la socday ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee heysata Maamulkiisa ay yihiin Xildhibaanada Hir-Shabeelle.

Waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Mas’uuliyiin kale ay ku cadaadiyaan in isbadal ay ku sameeyeen Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne bilaa sabab.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayuu ku eedeeyay in aysan lahayn go’aanada magacaabista iyo Xil ka qaadista, balse cadaadis ay saaraan Xildhibaanada darteed ay u qaataan go’aanadaas.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in had iyo jeer Xildhibaanada Hiiraan kasoo jeeda ee ku jira Hir-Shabeelle ay Madaxweyne Waare ugu goodiyaan in Mooshin ay ka gudbinayaan, hadii uusan badalin Maamulka Hiiraan.

Waa uu sii hadlay Gudoomiye Yuusuf Axmed Hagar Dabageed isaga oo sheegay in Xildhibaanada aan faaiido ku qabin shacabka Gobolka Hiiraan ee ay matalaan, maadaama uu tilmaamay in aysan dib ugu laaban deegaanadii laga soo doortay.

“Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle waxaa cadaadis ku saara xildhibaanada ka soo jeeda Hiiraan inay bedelaan madaxda Hiiraan aniga waxaan ahay guddoomiyihii sideedaad maamulka gobolka Sh/dhexena waa kii uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa dhowr jeer isbadal ku sameeyay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Magaalada Baladweyne, waxaana dhowrkii biloodba dib loosoo celiyaa mas’uuliyiin horay xilalka loo dhiibayo looga qaaday.

Web master

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

12 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

14 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

14 hours ago