Gudoomiye Cismaan Barre oo ka hadlay Caqabadaha hortaagan Hir-Shabeelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Sh.Cismaan Barre Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Caqabado is biirsaday ay ku hor gudban yihiin Hormarka Maamulkiisa.

Ammaanka ayuu tilmaamay in uu yahay Xaaladda ugu adag ee uu la daalaa-dhacayo Maamulkiisa, maadaama Waddooyin dhowr ah ay xiran yihiin Xarakada Al-Shabaab.

Marxalado Siyaasadeed oo isbad-badal watay ayuu sheegay in uu Maamulka Hir-Shabeelle soo maray, lagana gudbay.

Balse Amni darada ay Saameynta ku yeelatay isku socodka Deegaanada Maamulkaasi oo culeys ku kordhay ku noqotay.

Gudoomiye Cismaan Barre ayaa ku faanay in Maamul Goboleedyada qaar ay dhaamaan, maadaama ay ku shaqeeyaan Magaalada Madaxda Maamulka.

Waxa uu soo dhoweeyay howlgalada ay ku baaqeen AMISOM iyo Madaxweyne Waare si la isugu furo Wadada isku xirta Baladweyne iyo Muqdisho oo aan Muddo isticmaalin Madaxda Dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

17 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

20 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

22 hours ago