Gudoomiyaha Marka oo dalbaday in la caawiyo shacabka ku nool duleedka Degmadaasi.

Gudoomiyaha Magaalada Marka Cabdullahi cali Axmed (Waafoow) ayaa Maanta Booqasho Ku tagay Deegaanka Cismaan-Quule ee duleedka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

Gudoomiye Waafoow ayaa goob fagaare ah ku hadlay bulshada Deegaanka Cismaan-quule oo ka mid ah deegaanada ku teedsan Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiye Waafoow oo qudbad u jeediyay shacabka soo dhaweeyay ayaa u sheegay in Shacabka Deegaanka Cismaan-quule ay yihiin shacab jecel Nabadda iyo Dawladnimada waxa uuna u balan qaaday in uu wax badan ka qaban Doono Waxyaabaha ay ka cabanayaan Shacabka Deegaankaasi.

Gudoomiye Waafoow ayaa Hay’adaha Deeq bixiyeyaasha iyo Dawladda Somalia ka codsaday in Si deg deg ah ay ugu soo Gurmadaan Shacabka Dhibaateysan ee ku dhaqan Deegaankaasi.

Odayaasha dhaqanka oo u hadlay Shacabka Deegaanka ayaa sheegay in ay jiraan Dhibaatooyin kala duwan oo dhanka Nolosha ah oo ka jira Deegaankooda waxayna sheegeyn in maamulka Magaalada Marka iyo guud ahaan Dawladda ay ka codsanayaan in wax laga qabto Xaalada Nololeed ee deegaankaasi ka jirta.

Magaalada Marka iyo deegaanada hoos taga waxaa go’doomiyay Al Shabaab inta badan deegaanada Miyigaa ee u dhow Marka gacanta ku haya.

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

19 mins ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

14 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

16 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

19 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

21 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

22 hours ago