Shir looga hadlaayay wada shaqaynta hay’adaha garsoorka Galmudug oo Dhuusamareeb ka Furmay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galgudug waxaa maanta lagu qaqtay Xaflad lagu miday nayay Hay’adaha Garsoorka Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Cadaalada iyo arimah Garsoorka Galmudug waxaana looga hadlay sida sida ugu haboon oo ay uwada shaqayn karaan hay’adaha Garsoorka Galmudug.

Wasiirka Cadaaladda iyo arimaha Garsoorka Galmudug Cabdi Maxamuud Fiidow

Wasiirka Cadaaladda iyo arimaha Garsoorka Galmudug Cabdi Maxamuud Fiidow oo kulanka hadlay ayaa sheegay in kulankaan ugu horayn ay diirada ku saareen sidii la isku barilahaa gudoomiyaasha Maxkamadaha deegaanada Galmudug iyo tababaro la siinayay howl wadeenada Maxkamadaha deegaanada Galmudug.

Tababarada la siinayay Gudoomiyaasha Maxkamadaha deeganada Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in la fududeeyo lana casriyeeyo adeegyada garsoorka deegaanada Galmudug oo ruuxii degmo ugu socoto garsoor uu ka siiwado karo degmo kale ayada oo loo adeegsanayo qaab Kumbutaraysiyada ayna isku xiraa doonaan degmooyinka Galmudug.

Shirka looga hadlayay Garsoorka ee ka furmay Dhuusamareeb.

Qaar kamida Gudoomiyaasha Maxkamadaha Degmooyinka Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan kulankaan loona baahanyahey in la joogteeyo tababada lagu kordhino xirfadaha Garsoorayaasha Maxkamada Galmudug.

Mustaqbal Dhuusamareeb.

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

12 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago