Guddoomiye ku xigeenka H.Wadaag oo ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan saddex Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen Qaraxa maanta ka dhacay Xarunta Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u sheegay Warbaahinta in Saddexda qof ee dhimatay ay kala yihiin,  labo Askari iyo Gabar baarista qaabilsan ay qarax ku dhinteen, waxaa kale oo la sheegayaa in mas’uuliyiin ka tirsan Nabad Sugidda Degmada uu khasaare ka soo gaaray weerarkaas.

Dugsi Qur’aan iyo Masaajid ka soo horjeeda Xarunta Degmada ayaa la sheegayaa in iyana uu khasaare gaaray.

Carruurta dugsiga dhiganeysay ayaa inta badan ku maqnaa Quraac,waxaana dugsiga joogay tiro kooban iyo Macallinkii Dugsiga,kaas oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka maanta.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Howlwadaag, ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay.

Wariyayaasha qaraxa kaddib goobta tagay ayaa sheegay in Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ay dad badan ka qaadeen Goobta iyada oo wlai gurmad uu socdo.

Xarakada AL-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa maanta ka dhacay Xarunta Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo muuqaalka warbixin kusaabsan qaraxa

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

60 mins ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

3 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

4 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

4 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

6 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

8 hours ago