Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Liverpool Oo Guul ay ku rafaaday ka gaartay Leicester City.

Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Leicester city kulan ka dhacay garoonka King Power Staduim kana tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 4-aad.

Reds ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo uu Mohamed salah ka khasaariyay gool furan kadib markii uu goolhayaa Leicester city iska tuuray kubad uu Firmino ku laagay.

Liverpool ayaa daqiiqadii 10-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Liverpool kulankana ka dhigay 1/0.

Kooxda Leciester city ayaa maamulka kulanka la wareegtay iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka bar-baraha halka ay Liverpool dhankeeda qaadaysay weeraro laakiin u suurgali wayday in ay shabaqa soo taabato.

Liverpool daqiiadii 45-aad sii dheeraystay hogaanka iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxda Liverpool hogaanka ku hayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Kooxda Liverpool dhanka natiijada ku horayso laakiin aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Leicester city si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro waali ah oo ay ku doonayeen in ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Leicester city ayaa daqiiqadii 63-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Rachid Ghezzal kaas oo ka faa,iidaystay khalad uu sameeyay goolhaye Alisson.

Kooxda Leicester city ayaa sii waday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen laakiin waxa u suurtagali waday in ay shabaqa soo taabtaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaar ay kooxda Liverpool mar kale si dirqi ah ku badisay sidaasna ku gaadhay guusheedii 4-aad oo xiriir ah.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

2 mins ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

2 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

3 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

3 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

5 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

7 hours ago