Guddigii dabagalka Qaramada Midoobey ee Somaliya iyo Eritrea oo la kala diray

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kala diray Kooxdii Dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea u qaabilsaneyd Qaramada Midoobey.

Kulan ay xunnaha yeesheen ayaa waxaa ay ku go’aamiyeen in Guddigaas shaqenayay 10kii  sano ee la soo dhaafay la kala diro islamarkaana cunqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

15ka Dal ee Xubnaha ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta u codeynaya in cunaqabateynta laga qaado Dalka Eritrea,waxaana ay u baahantahay kaliya 9 cod oo ka mid ah 15ka Cod.

Eritrea ayaa cunaqabateyntan la saaray sanadkii 2009kii,markaas oo lagu eedeeyay in ay faragelin ku heysay dalalka deriska la ah sida Jabuuti iyo Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay AL-shabaab taageerto.

Eritrea ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana Qaraar Qabyo ah oo ay soo gudbisay Dowladda Ingiriiska la isku raacay in maanta cunaqabateynta Hubka,Socdaalka iyo dhaqaale laga qaado Eritrea.

Guddiga la kala diray ee Monitoring Group loo aqoon jiray ayey Golaha amaanka ku beddeleen Guddiga Khubarrada Soomaaliya oo kali ah (Panel of Experts on Somalia).

Guddiga SEMG ee la kala diray ayaa la socon jiray dhaq dhaqaaqa cunaqabateynnada Saaran Soomaaliya iyo Eritrea,waxaa sidoo kale ay wax ka qori jireen dowladaha sida dadban ama tooska ah ugu lug lahaa maalgelinta Al-shabab.

Guddiga cusub ee u gaarka ah Soomaaliya ayaa shaqeyn doona ilaa 15ka December 2019,waxaana uu heystaa muddo  xileed Hal Sano ah.

Tirada Guddigan ayaa la isku khilaafsanyahay ilaa hadda, Dowladda Ruushka ayaa soo jeedisay in laga dhigo 5 Xubnood,laakiin xubnaha kale ee Golaha ayaa doonaya in la gaarsiiyo ilaa lix xubnood.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

6 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

8 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

9 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

13 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

16 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

16 hours ago