Sida Wararka ay sheegayaan waxaa muran uu ka taagan yahay Kuraasta qaar ee Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Guddiga Xallinta khilaafaadka Doorashada Puntland, ayaa la filyaa in Berri ay bilaabaan Hubinta Kuraasta Muranka iyo is qab-qabsiga ka taagan yahay, si ay ugu go’aan gaaraan kahor inta aan la gaarin waqtiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Puntland.
Mas’uuliyiin katirsan Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashada oo la hadlay Warbaahinta qaar ee Deegaanada Puntland ayaa sheegay in ay soo gaartay Dacwad ka dhan ah Kuraasta qaarkood.
Qorshaha berri laga filayo ayaa ah in ay baaris ku sameeyaan kuraasta sida shaqsiyaadka ay u kala heleen, hubinta beesha iska leh iyo qofka ku guuleystay iyo in la kala dhexgalo Beelaha qaar oo isku heysta.
67% ayay dhowaan sheegeen Guddiga la soo dhameystiray Xildhibaanada, maadaama loo gudbiyay 44-Xildhibaan oo kamid ah 66-da Mudane ee uu ka koobnaan doono Baarlamaanka Cusub.
Waxaa kasii dhammaanaya waqtiga ay u heystaan Xulista Xildhibaanada, Hubinta kuraasta iyo gudbinta oo ku eg shaqadooda.
66-da Kursi ee Baarlamaanka marka ay soo buuxiyaan kadib howsha waxaa la wareegi Doono Baarlamaanka, si ay isaga dhex doortaan Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa, si ay iyanne usii magacaabaan Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee dhaceyso 8-da Janaayo 2019.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…