Golaha cusub ee Wasiirrada Puntland oo uu dhawaan magacaabay Madaxwweynaha Puntland ayaa maanta lagu dhaariyay Magaalada Garowe.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha maamulka Puntland ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiirrada cusub.
Wasiirrada ayaa loo dhaariyay mid mid,waxaana Wasiirkasta uu gacanta saarayay Miiska uu saaranyahay Kitaabka lagu dhaarinayay.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur, ayaa mid mid u dhaariyay 44 ka mid ah Golaha Wasiirrada cusub ee Puntland.
Afar wasiir ayaa sheegtay cudur daarro kala duwan oo ay ka midyihiin in qaarkood shaqo hayaan,halka kuwo kalena ay jiraan dibadda sidaasna maanta uga baaqatay dhaarta.
Siciid Cabdullahi Deni ayaa dhaarta kaddib wasiirrada ku baraarujiyay in ay shaqada adag ee hortaalla uga soo baxaan sida loogu talagay.
Golaha Wasiirrada cusub ee Puntland waxaa ku jirta hal Gabar oo kali ah taas oo ah Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska.
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…