Golaha shacabka oo maanta ka doodaya Miisaaniyadda 2019-ka.

Sida ku xusan farriin ballameedka Xildhibaanada loo diro 24-saac kahor fadhigooda, waxa ay maanta aqrin iyo dood gelinayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Miisaaniyadda 2019-ka.

Golaha oo aan fadhi yeelan tan iyo 5-tii Bishaan ayaa maanta u ballansan in la horgeeyo Miisaaniyadda, kadibne ay ka doodaan.

Guddiga miisaaniyadda Golaha Shacabka iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa 26-kii bishaan kulan ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen Miisaaniyadda 2019-ka.

Fadhiyo dhowr todobaad ah ayaa u baaqday Muran iyo khilaaf soo kala dhexgalay Golaha Shacabka, waxaana uu ka bilawday Xisaab xirka Miisaaniyadii sanadkii hore 2017-ka.

Gudoomiye ku xigeenada Golaha ayaa qaatay go’aan ay ku sheegeen in ay ku kala direen Guddiga Maaliyadda, hayeeshee Gudoomiye Mursal oo 1-dii Bishaan Dalka dib ugu soo laabtay ayaa kahor yimid, isaga oo 8-dii bishaan faray in ay Shaqadooda sii wataan Guddiga Maaliyadda.

Maalin kadib waqtigaas oo ahayd 9-kii Desembar, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka, waxaana sii cakirmay muranka Golaha ka dhex jiray.

26-kii Bishaan warqad kasoo baxday Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal waxaa isbadal lagu sameeyay Gudoomiyihii, ku xigeenkiisa iyo Xoghayihii Guddigaas ayaa meesha laga saaray, waxaana lagu soo badalay Xildhibaano kale oo Guddi iska doortay.

Sanadka 2018-ka waxaa ka harsan labo cishe, waxaana la filayaa in hadii maanta aan codka la gelin Miisaaniyadda berri cod loo qaado, sida ku cad warqadii dhawaan Guddoonka Golaha Shacabka kasoo baxday, si 31-ka oo ah maalinta ugu dambeyso sanadkaan xeer madaxweyne loogu soo saaro

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

12 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

14 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago