Gobolka Banaadir oo in badan miiska lasoo dhigayay metalaadda rasmiga ah uu ku leeyahay Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ayaa ugu dambeyn waxaa lagu wadaa in loo dhiso Gole Deegaan oo doorta Guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in sanadka soo socda ee maalmaha kooban ka dhima taha curashadiisa waa 2025 in la dooran doonno Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo Guddoonkooda dooranaya.
Arrintaan ayuu ku sheegay in ay qayb ka tahay hoos u daadejinta Maamulka iyada oo saddex heer ay noqon doonto Doorashada Dalka sida Golaha Deegaanka, Dowlad-Goboleedyada iyo tan Dowladda Dhexe ee Federaalka.
Cabdikariin ayaa xusay in qorshahoodu uu yahay in laga gudbo Maayar lasoo magacaabo balse loo gudbi doonno in Golaha Deegaanka la doorto isla markaana ay sii doortaan Guddoon Shacabka la xisaabtami karto sida uu hadalka u dhigay.
“Doorashadeennu waa saddex heer, waxa aan kasoo billaabeynaa Golaha Deegaanka, Marka xigta waa Dowlad-Goboleedyada halka tan saddexaad tahay Doorashada Federaalka, waxa aan wadnaa shaqadeenna oo ah 100% hirgelinta Doorashada, 2025 waxa aan wadnaa in aanay mar dambe digreeto lagu soo magacaabin Maayar dambe oo la doorto Golaha Deegaanka” Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay hirgelineyso Doorasho Qof iyo Cod ah si looga gudbo nidaamka Doorashooyinka Dadban ee lagu soo dhisay Dowladihii Dalka soo maray tan iyo sanadkii 2000.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…