GUDAHA/wararka

Netanyahu oo Markii saddexaad qalliin u galaya Xannuun ka haya Wadnaha

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa markii saddexaad waxa uu qalliin wadnaha ah u galayaa xannuun ka asiibay waxaana lagu wadaa in uu xilka usii dhiibo Wasiirkiisa Caddaaladda sida ay sheegeen qaar kamid ah Warbaahinta oo xogtaan helay.

Netanyahu oo hurdadu ku yaraatay sabab la xiriirta xaaladda ka jirta Bariga Dhexe waxa uu dhafarkaas ama soo jeedkaas badan ku sababay xannuunka wadnaha ah uu qabay ee horay labada jeer qalliinka looga sameeyay.

Benjamin Netanyahu ayaa wadnihiisa lagu xiray qalab xoojiya garaaca uu sameynayo, waxaa la siiyay talooyin caafimaad sida in uu iska ilaaliyo wax weliba oo kordhin kara garaacaas xad-dhaafka oo xaalad adag ku sababi karta.

Ilo kala duwan ayaa laga soo xigtay macluumaad ah in Netanyahu uu isticmaalo Cirbado iyo dawooyin uu ku hurdo maadaama laga ilaaliyo in jiifto isaga oo welwelsan ama arrin uusan xalin oo ku taagan sida hadalka loo dhigay.

Horay waxa uu u qiray in uu hurdo marka aanay jirin dagaal ama cabsi xiligaas digniin laga muujinayo balse waqtiyada dagaalladu ay socdaan ayuu tilmaamay in aysan kasoo dhicin kuna qasbanaado isticmaalka dawooyinka lagu hurdo.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago