PUNTLAND

Gen. Asad Diyaano “Dadwayanaha Puntland waxay ku faraxsanyihiin Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Aasad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa u hambalyeeyay shacabka iyo waxgaradka deegaanada SSC-Khaatumo guusha ay ka gaareen dhameystirka dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, kaas oo todobaadyadii la soo dhaafay shirka lagu dhameestiro uu ka socday magaalada Laascaanood.

Taliye Aasad oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa ku yiri, “Waxaan u hambalyeynayaa shacabka iyo waxgaradka SSC dhameystirka dhisidda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.”

Taliye Aasad, oo horey u ahaa musharrax madaxweyne ee maamulka Puntland, ayaa xusay in shacabka Puntland ay si weyn ugu faraxsan yihiin guushaas, isla markaana ay muhiim tahay in madaxda Puntland ay garab istaagaan walaalahooda SSC, si ay u noqdaan garab iyo gaashaan isugu noqdaan.

“Dadwayanaha Puntland waxay ku faraxsanyihiin Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, sidoo kale maamulka waxay masuuliyadu faraysaa inay grab istaagaan walaalahooda waxay isku noqonayaan garab iyo gaaashaan,” sida uu ku yiri qoraalka uu ku faafiyaya Facebook.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Aasad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku bogaadiyay dadaalkii xooganaa ee ay geliyeen dhismaha dowlad goboleedkaas iyo hirgelinta midnimada iyo wadajirka dalka.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

17 hours ago