GUDAHA/wararka

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay xiisadda ka taagan degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda ayaa ka  hadlay xiisadda maalmihii u dambeeyay ka taagnayd magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.

Golaha ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey Ciidanka dowladda masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen intii lagu guda jiray xaaladda amni ee degmadaas. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirka.

Sidoo kale, golaha ayaa ammaan u jeediyey qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka sida ay u garab taagan yihiin dowladnimada iyo dadaallada lagu sugayo nabadda iyo xasilloonida.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka ee Nidaamka Maareynta Maaliyadda iyo Xisaab-xirka sanadeedka 2024.

Ugu dambeyn, kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu adkeeyey in cid kasta oo carqalad ku ah nabadda iyo deganaanshaha ay si toos ah uga hor imanayso dagaalka Al-Shabaab.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

1 hour ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

4 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

4 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

15 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

17 hours ago