Intan Syari, waxaa ay u alkunneyd Rio Nanda Pratama, waxaana ay ku ballameen in ay dhawaan aqal galaan.
Waxaa uu ka mid noqday 189 Qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo 29kii Bishii October ka dhacay Dalka Indonesia.
Waxaa uu qorshahoodu ahaa in ay is guursadaan 11ka November 2018,laakiin isagii ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.
Intan, ayaa sheegtay in saaxiibkeeda uu kula kaftamay in haddii uu soo daaho ay sawirrada isu diyaarinta Arooskooda u dirto isaga.
Rio Nanda, ayaa ku yiri saaxiibtiis “haddii aan soo laaban waayo 11ka November 2018,waa inaad xirataa Taajka , fargaliska iyo dharka kale ee aan ugu talagalnay arooskeenna”.
Sawirradii ugu horreeyay geeridiisa kaddib ayey gelisay Barta Instagramka,waxaana ay sheegtay in aymurugta geeridiisa ku illaaweyso dhoollacaddeyntiisii iyo xigmadihii ay ka dhaxashay.
Waxaa ay sheegtay in ay is garanayeen 13 Sano oo ay wada socdeen,waligeedna jeclaan nin kale, laakiin markii mudada guurkooda soo dhawaatay uu isagii geeriyooday.
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…