Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Andreas Christensen oo ka hadlay Xirirka kala dhaxeeyo Sari.

Daafaca da’da yar ee kooxda Chelsea ayaa ka warbixiyay sida uu yahay xirirka kala dhaxeeyo Tababaraha cusub ee Chelsea Sari.

Christensen ayaan wax kulan ah oo horyaalka Premier League ah kasoo muuqan kooxda reer London ee Chelsea xili ciyaareedkan, balse wuxuu ciyaaray 4 kulan UEFA Europa League iyo 2 kulan ee ah Carabao Cup.

Laacibka reer Denmark ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Mirror” wuxuu kaga hadlay xirirka ka dhaxeeyo isaga iyo Tababare Sari wuxuuna yiri”

“Waxaa jira farqi u dhexeeya xiligan iyo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaan ciyaaray kulamo badan, laakiin xili ciyaareedkan lama mid ahan kii hore, waa wax aad ugu adag ciyaaryahanka, balse waan arki doonaa waxa dhaca”.

“Waa su’aal adag, hadii aad weydiisato ciyaaryahan aan ciyaarin, wuxuu noqonayaa mid aanan faraxsaneen, qof kastaa wuxuu doonayaa inuu ciyaaro, laakiin waan ka war qabaa inay muhiim tahay in aan tababar adag sameeyo, si aan u helo fursad”.

“Waa inaan si fiican u shaqeeyo si aan u tuso macalinka in uu ku kalsoonaan karo awoodeyda ciyaareed, ma ahan inaad fadhido isla markaana aad sugto fursada aad ku ciyaari lahayd oo kaliya, taas ayaana ah sababta aan u ciyaareyno kubada cagta” ayuu yiri xidiga.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

11 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

13 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

13 hours ago