Gobolka Shabeelaha Dhexe wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in wadada u dhaxeysa Degmooyinka Jowhar iyo Balcad lagu gubay Gaadiid dhuxul usoo waday Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Mustaqbal u sheegay in illaa saddex gaadiid oo ah kuwa dhuxusha qaada in ay gubeen Al-Shabaab.
Waxa ay sheegeen in gaadiidka laga dajiyay dadkii la socday, isla markaana dab ay ka qabadsiiyeen qaybo kala duwan oo Gaadiidka ah.
Mas’uuliyiinta Hir-Shabeelle ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen gaadiidkaan dhuxusha waday ee lagu gubay Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Bilooyinkii lasoo dhaacay Wadada Muqdisho iyo Afgooye xiriirisa waxaa lagu gubay tiro gaadiid Xamuul ah, kuwaa oo Magaalada Muqdisho dhuxul usoo waday.
Sidoo kale waxaa gaadiid kale qab lagu qabadsiiyay Duleedka Degmada Afgooye, mas’uuliyiinta Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe oo ka kala tirsan Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan gubista Gaadiidka dhuxusha.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…