Markii ugu horeysa taariikhda ayaa waxaa lagu wadaa in Final Champions League lagu ciyaaro meel ka baxsan yurub.
Sida laga soo xigtay wargayska The Sun Finalka tartanka champions League xilli ciyaareedka 2021 ayaa laga yaabaa in lagu ciyaaro dalka Maraykanka gaar ahaan caasimada New York.
Wargayska ayaa sheegaya kadib marka finalka champions League xilli ciyaareedkan lagu ciyaaro garoonka Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano sidoo kale Finalka 2020 lagu ciyaaro garoonka ku yaala Istanbul ee Atatürk Olympic Stadium finalka sanadka 2021 lagu ciyaari doono New York.
Agaasimaha shirada Mediapro ee Jaume Roures oo wararkas ka hadlay ayaa yiri” Waxa jira wadahadalo socda oo finalka champions League loogu ciyaari doono New York”.
Wargayska ayaa sheegaya in hadii ay UEFA go,aansato in finalka koobka champions League lagu ciyaaro America ay soo jiidan doonto daawadayaal badan oo ka badan kuwa ay ka hesho yurub.
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…