Xidiga reer Brazil Filipe Luís ayaa weydiistay Atletico Madrid inay u ogolaadaan inuu ka tago kooxda inta lagu jiro suuqan xagaaga, si uu ugu dhaqaaqo Paris Saint-Germain.
32 jirkan ayaa yimid kooxda Atletico Madrid sanadii 2010, wuxuuna kaga soo biiray Deportivo La Coruna, balse wuxuu ka dhaqaaqay 2014 si uu ugu biiro naadiga reer London ee Chelsea.
Laakiin hal xili ciyaareed kadib uu ku qaatay garoonka Stamford Bridge ayuu Filipe Luís markale dib ugu soo laabtay kooxdiisa reer Spain ee Atletico Madrid.
Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Filipe Luís uu ka codsaday maamulka kooxda inay u ogolaadaan inuu u dhaqaaqo kooxda PSG.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in macalinka Atletico Madrid Diego Simeone uusan wax dood ah ka qabi doonin hadii uu baxo Filipe Luís, maadaama ay kooxda ku sugan yihiin xidigaha Arias iyo Lucas Hernandez.
Si kastaba Filipe Luís ayaa wuxuu dalab heshiis saddex sano ah kaga yimid kooxda Paris Saint-Germain, kaasoo gaaraya ilaa iyo 2022, waxaana la filayaa in heshiiska uu dhameystirmo kahor inta uusan xirmin suuqan xagaaga.
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…