Banaadir

Farmaajo oo Muuse Biixi kala hadlay khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Farmaajo ayaa la wadaagay Muuse Biixi Cabdi “tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan.”  Sida lagu yiri Qoraal lagu daabacay Villa Soomaaliya.

Dhanka kale Farmaajo ayaa bulashada u soo jeediyay in la garab istaago ganacsatada ku hantibeyshay “Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”

Ugu Dambeyn Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo “sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.”  Sida lagui yiri qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Suuqa Waaheen ee Gubtay ayaa lagu qiyaasay hantida ku basbeeshay malaayiin Doollar, Daminta Dabkaas ayaa qaatay in ka badan 10 saac, Isbitaalka Magaalada Hargeysa waxaa la geeyay Dad ku dhaawacmay oo u badan Jab iyo gubniin.

MM Staff

Recent Posts

Nepal oo baaraysa Hiddesidaha Dadkii ku dhintay Daadadka ee ilaa hadda aan ehelkooda la aqoonsan

Dowladda Nepal ayaa sheegtay ku dhawaad 3 bil aan weli la aqoonsan qaar kamid ah…

30 mins ago

Qoorqoor “Laftagareen saaxiibo ayaan nahay waana raadinayna”

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlay munaasabad lagu…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh oo sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay wadahadalka shacabka Hiiraan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in…

13 hours ago

DFS oo sheegtay in Ciidanka Xoogga diyaar u yihiin la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mareykanka u sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin…

14 hours ago

Hoggaamiyaha Galmudug oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Jowhar

Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…

22 hours ago

Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan Daacish

Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…

24 hours ago