GUDAHA/wararka

Qoorqoor “Laftagareen saaxiibo ayaan nahay waana raadinayna”

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu raadinayo saaxiib Cabdicasiis Laftagareen oo marar badan tilmaamay in erdo loo diray balse aanay dhankiisa lasoo eegin.

Axned Qoorqoor ayaa sheegay in mas’uuliyad ay ka saaran tahay sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka jira oo caqabad ku ah xorumarka dalka, waxaana uu intaas ku daray in noqonayo qof kaalintiisa ka qaata xal weliba oo la heli karo.

Qoorqoor ayaa intaas ku daray in aanay jirin ergo si gaar ah loogu soo diray, isaga oo ka jawaabaya hadalka ka yimid Laftagareen uu wufuud u diri doonnaan isagana uu u tagi doonno sida uu hadalka u dhihay madaxwehnihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen waxa aan ahayn saaxiibo, marar badan Wareysiyo uu bixiyay waxa uu ku sheegay in wafdi la ii soo diray, wafdiyana waan u diraynaa” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii hore ee DG Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor

Lama oga sida uu Cabdicasiis Laftagareen uga jawaabi doonna fariinta uu u gudbiyay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor maadaama uu marar badan wareysiyo uu bixiyay kusoo hadal qaaday in dhinaca Madaxda Dowladda uu ka aaday kaddib erdo loo diray oo qancisay balse dhankiisa awood lagu maquuniyay waa sida uu yiri.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Nepal oo baaraysa Hiddesidaha Dadkii ku dhintay Daadadka ee ilaa hadda aan ehelkooda la aqoonsan

Dowladda Nepal ayaa sheegtay ku dhawaad 3 bil aan weli la aqoonsan qaar kamid ah…

30 mins ago

MW Xasan Sheekh oo sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay wadahadalka shacabka Hiiraan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in…

13 hours ago

DFS oo sheegtay in Ciidanka Xoogga diyaar u yihiin la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mareykanka u sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin…

14 hours ago

Hoggaamiyaha Galmudug oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Jowhar

Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…

22 hours ago

Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan Daacish

Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…

24 hours ago

Hoggaamiye ku xigeenka HirShabeelle oo Caleemosaarkiisa uga baaqday Khilaafka ka taagan Baladweyne

Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa baaqday caleemosaarka maamulkiisa maanta loogu samaynayo…

1 day ago