Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa baaqday caleemosaarka maamulkiisa maanta loogu samaynayo Magaalada Jowhar sababo la xiriira khilaafka ka taagan Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.
Caleemosaarka maanta ay ka qaybgalayaan Madaxda Federaalka, qaar kamid ah kuwa Dowlad Goboleedyada, mas’uuliyiin hore, Siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaa ka maqnaanaya Hoggaamiye ku xigeenka HirShabeelle.
Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo ku kala sugan Jowhar iyo Baladweyne, waxa uu qorshuhu ahaa in Cabdifitaax Xasan Afrax uu waanwaan la furo reerkiisa kaddibna uu aado caleemosaarka balse arrintaasi ma dhicin kaddib markii xal loo waayay khilaafkaas.
Ilo kale ayaa Mustaqbal u sheegay in Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Maamulka HirShabeelle, Cali Guudlaawe uu gogol u dhigi doonno dhinacyada diidan hannaanka loo maray dhismaha Maamulkaas kuwaas oo kacdoon ka dhan ah kawada Magaalada Baladweyne.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…
Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada…
Masar ayaa mar kale ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo…
Ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga diyaaradaha ee Baledoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha…
Magaalada Beledwayne ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka taagna dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo…