GUDAHA/wararka

Masar oo mar kale xaqiijisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Masar ayaa mar kale ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo caddeysay inay diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa qarannimada dalka.

Arrintan ayaa lagu xaqiijiyey kulan gaar ah oo Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ku yeesheen dalka Liibiya, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Masar ayaa sidoo kale adkeysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya iyo diidmada faragelin kasta oo ka dhan ah midnimada iyo dhulkeeda.

Kulankan ayaa imanaya xilli dhawaan Israa’iil ay safiir u soo dirtay deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed, tillaabadaasi oo lagu tilmaamay mid khatar ku ah Madaxbannaanida dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay wadahadalka shacabka Hiiraan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in…

4 hours ago

DFS oo sheegtay in Ciidanka Xoogga diyaar u yihiin la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mareykanka u sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin…

5 hours ago

Hoggaamiyaha Galmudug oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Jowhar

Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…

13 hours ago

Suuriya oo Soomaaliya dib ugu soo celinaysa Xaasaska & Carruurta xubno katirsan Daacish

Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…

15 hours ago

Hoggaamiye ku xigeenka HirShabeelle oo Caleemosaarkiisa uga baaqday Khilaafka ka taagan Baladweyne

Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa baaqday caleemosaarka maamulkiisa maanta loogu samaynayo…

16 hours ago

MW Xasan Sheekh oo maanta Xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada…

16 hours ago