GUDAHA/wararka

Ciidamo katirsan DFS oo saakay xiray qaybo kamid ah waddooyinka Muqdisho.

Ciidamo katirsan Xoogga Dalka ayaa saakay waddooyinka u dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay Gaadiidku si joogta u isticmaalayeen, Gawaarida iyo Dadka lugeynaya ayaa meelaha qaar laga celinayaa sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Tiro Dad ah oo saakay laga celiyay waddada Warshadda Caanaha ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka laamiga ay dhigeen dhagaxaan, Taayiro iyo Biro ay ku muujiyaan in waddada ay saakay xiran tahay.

Gawaarida ayaa saxmad ku ah waddooyinka Xaafadaha dhexmara oo isu gudubkooda dhib ku ah maadaama waddooyinka qaar ay yar yihiin halka Gawaaridii laamiga laga soo celiyay ay isugu tageen.

“Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka ayaa saakay xiray waddada Warshaddii Caanaha, Gawaarida ayaa saxmad waqti badan ah ku galay jid caddayaasha Xaafadaha, Dadka qaar ayaa lugeynaya maadaama ay ka daahsan yihiin Goobaha Waxbarashada, Shaqo & Caafimaadka” ayuu yiri qof kamid ah Dadka la kulmay waddada xiran.

Ilo kale ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamada Xoogga ay xireen inta u dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga ilaa Ex Control Afgooye Waddada Warshadaha balse la sheegin sababta ka dambeysa in saakay la xiro waddadaan oo muhiim u ah isu socodka Gawaarida Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Rag looga shakiyay AS oo Mandheera ku dilay Injineero laami dhisayay

Rag hubaysan oo lala xiriirinayo in ay katirsan yihiin AS ayaa weerar jidgal ah ku…

42 mins ago

Koofur Afrika oo xirtay Dad la sheegay in ay u tahriibayeen Ruushka

Booliiska Koofur Afrika ayaa xiray 9 qof oo ajaanib ah oo dalkaas u tagtay inay…

2 hours ago

Maraykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Dalal ay ku jirto Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sii wadday digniinta safarka ee heerka afaraad (Level 4) dalalkaas oo kala…

2 hours ago

Kumannaan kun oo ka barakacay colaadaha Moyale

In ka badan 50,000 oo qof ayaa ka barakacay colaadaha ka socda Moyale ee u…

16 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiir Fiqi iyo Safiirka Shiinaha?

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya…

19 hours ago

Guutada 22aad ee Gorgor oo Muqdisho kusoo wajahan

Guutada 22aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo dhawaan tababar kusoo dhammaystay Jamhuuriyadda Turkiga…

24 hours ago