In ka badan 50,000 oo qof ayaa ka barakacay colaadaha ka socda Moyale ee u dhaxeeya Bulshada Soomaalida iyo Oromada, sida lagu sheegay warbixin uu diyaariyay Telefishinka Al-jaseera.
Dadkaan ayaa u barakacay dhinaca Kenya, iyagoo wajahaya xaalado nololeed oo ay ka mid yihiin cunto yari, hoy la’aan iyo adeegyo caafimaad oo kooban.
Sidoo kale, waxaa jira walaac laga muujiyay faafitaanka cudurrada shubanka iyo duumada, xilli qoysas badan ay ku nool yihiin goobo ku-meel-gaar ah iyo guryo ay soo dhaweeyeen bulshada deegaanka.
Colaadda ayaa salka ku haysa muran muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeya maamullada Oromiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo la xiriira lahaanshaha dhulka iyo maamulka deegaanka Moyale.
Dagaalka labada dhinac ayaa xoogeystay bartamaha bishii Oktoobar, kaddib markii Calanka deegaanka Soomaalida laga taagey magaalada Mooyaale, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Mustaqbal
Xiddiga kooxda ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid waa Vinícius Júnior ayaa fariin muuqaal…
Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth ayaa ka badbaaday mooshin xil ka qaadis ah isaga oo…
Taliska Howlgallada Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay…
Dowladda Iiraan ayaa fagaaraha Azadi ee Magaalada Tehran kusoo bandhigtay Haween si iskood ah isugu…
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa dalka Turkiga kulan kula yeeshay mas’uul ka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 171 muwaadin Soomaali ah, oo ay…