GUDAHA/wararka

Soomaaliya iyo Uganda oo ka wada hadlay Iskaashiga dhinaca amniga

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa dalka Turkiga kulan kula yeeshay mas’uul ka tirsan dowladda Uganda, kaas oo ay kaga wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, xaaladda amni ee Soomaaliya iyo arrimaha kale ee gobolka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kaalinta Uganda ay ka qaadato dadaallada nabadda iyo amniga Soomaaliya, iyadoo Uganda ay ka mid tahay dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Dhanka kale, kulankan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Uganda ay 2-dii bishan November ku dhawaaqday inay billowday qorshaha ay ciidamadeeda uga soo saarayso Soomaaliya, kaas oo si tartiib-tartiib ah u socon doona, iyadoo la qorsheeyay in dhammaan ciidamada Uganda, oo ay ku jiraan kuwa qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ay dalka ka baxaan dhammaadka sannadka 2027.

Arrintan ayaa si gaar ah u saameyn karta deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada Uganda ay ka howlgalaan, waxaana halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya, si ay kala wareegaan mas’uuliyadda Amniga dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

William Ruto oo sheegay in Kenya lacago badan ku hesho howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in dalkiisa lacago iyo taageero ku helo howlgallada dhinaca…

3 hours ago

Muxuu yahay codksiga ay Saraakiisha dowladda hor dhigeen mucaaradka?

Labadii habeen ee ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulamo albaabada u xiran yihiin…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh “Hal dollar oo ka-hortagga musiibooyinka lagu bixiyo wuxuu badbaadin karaa $15 oo khasaaraha dabadiis”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfureed, laga saadaalinayo…

4 hours ago

Dowladda Suuriya oo qorsheynaysa in ay dib u furato safaaraddeedii Muqdisho

Safiirka Soomaaliya ee Suuriya, Abiib Muuse Faarax ayaa magaalada Dimishiq kula kulmay La-taliyaha Arrimaha Carabta…

5 hours ago

Soomaaliya oo sanadkii labaad heshay qoondo Xaj oo dhan 11,500 oo Xaaji

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah heshay qoondo dhan 11,500 oo Xaaji ah,…

20 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo RW Aby Axmed?

Madaxaweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Antalya ee dalka Turkiga ayaa halkaasi…

23 hours ago